Metro South Health waa bixiyaha ugu weyn adeegyada caafimaadka dadweynaha ee koofurta Barisbane, iyo gobolada Logan, Redlands iyo Scenic Rim. Waxaan leenahay shan isbitaal iyo dhowr cafimaadka bulshada ah, caafimaadka dhimirka iyo adeegyada caafimaadka ilkaha.
Waa inaad mar walba wacdaa Saddex Eber (000) wixii degdeg ah oo nolosha halis gelinaya. Wixii taloooyin caafimaad ah oo aan-degdeg ahayn, waxaad wici kartaa khadka taleefankayaga caawimaadda caafimaadka oo loo yaqaan 13 HEALTH ama 13 43 25 84.
Waxaan haysanaa shan qaybaha degdegga kuwaas oo furan 24ka saac maalintii, toddobada maalmood ee asbuuciiba.
Looma baahna inaad marka kowaad soo wacdo, keliya imow qaybta waqti kasta.
Markii aad timaaddo qaybta degdegga, fadlan toos u tag miiska qaabilaadda. Waxaaa ku qiimayn (qaybayn doonaa) doona kalkaalisooyin tababaran kuwaas oo qiimeeya degdegnimada xaaladdaada. Waxaa muhiim ah inaad kakaalisada u sheegto wixii dhibaatooyin caafimaadkaagii hore, daawooyinkaaga hadda socda, iyo haddaad waddanka dibaddiisa tagtay iyo in kale.
Dhaqtar ama kalkaaliso ayaa ku arki doona sida ugu dhaqsaha badan intii ay karaanba. Mar kastana, way kaa tegi karaan si ay u daaweeyaan xaaladaha halis-gelinaya nolosha. Kama tegi doonaan daryeelkaaga, in kastoo macnaheedu noqon karo inaad muddo dheer na sugto.
Ikhtiyaarada xaaladaha aan-degdegga ahayn waxaa ka mid ah:
Waxaan bixinaa adeegyada isbitaalka takhasusleyaasha oo ay ka midka yihiin:
Waxaan kaloo bixinaa adeegyo badan oo aan siino bulshada oo ay ka midka yihiin:
Ka hel lambarka taleefanka iyo cinwaanka ee isbitaalkaaga iyo xaruuntaada caafimaad ee kuugu dhow bogga xirriiradeena.
Badiba adeegyadeena waxaa loo bixiyaa ayagoo lacag la’aan ah u ah dadka haysta kaarka Medicare-ka. Hase ahaatee, waxaad badanaa u baahan doontaa meel-u-dirid qoraal ah oo ka socota dhaqtarkaaga/GP-gaaga guud ka hor intaanan ballan kuu samayn.
Si aad u heshp meel-u-dirid, marka hore kala hadal dhaqtarkaaga/GP-gaaga guud wax ku saabsan dareenada daryeelka caafimaadkaaga. Dhaqtarkaaga ayaa go’aamin doona haddii aad u baahan tahay daaweyn kuuna qori doona daawooyin ama baarisyada aad u baahan tahay. Dhaqtarkaaga ayaa markaas ka dib u diri doona warqad meel-u-dirid qoraal ah dhaqtar takhasuslaha ah oo jooga mid ka mid ah isbitaaladeena.
Ayadoo ku xiran xaaladdaada degdeg, waxaa lagugu dari karaa liiska sugitaanka ka hor intaanan kuu qoondayn ballan. Waxaan kuu soo diraynaa warqad si aan u xaqiijino watiga iyo taariikhda ballantaada.
Uma baahnid meel-u-diridda dhaqtarka/GP si aad u hesho:
Uma baahnid meel-u-diridda dhaqtarkaaga/GP-gaaga si aad u hesho daaweynta ilkaha, hase ahaatee waa inaad yeelataa shuruudaheena xaq-u-yeelashada:
Markii aad u timaado isbitaalka daaweyn maalmeed, waxaa laguu yaqaan “bukaan-socod dibadeed”. Maaddaama aad tahay bukaan-socod dibadeed waxaad badanaa arki doontaa dhaqtar takhasusle ah iyo dhowr kale oo xirfad-yaqaano caafimaad ah. Waxaad kaloo qaadan kartaa raajo ama baarisyo kale.
Markii aad u timaado isbitaalka adoo wata ballanta bukaan-socod dibadeed, waxaad u baahan doontaa:
Waxaan ku talinaynaa inaad timaado kilinikada bukaan-socdka dibadeed ugu yaraan 15 daqiiqo ka hor waqtiga ballantaada, iyo inaad u qoondayso ugu yaraan laba saacadood ballantaada.
Haddii aadan kari karin inaad timaado ballantaada sabab kastoo jirta, fadlan la xiriir sida ugu dhaqsaha badan adigoo adeegsanaya lambarka taleefanka ku dul qoran wejiga hore ee warqadda ballantaada.
Markaad habeenkii jiifsanayso isbitaalka si laguu qalo ama daaweyn caafimaad oo degdeg ah, waxaa laguu yaqaan “bukaan-socod gudeed”.
Haddii aad habeen kaas jiifsanayso, waa inaad soo qaadataa:
Waxyaalaha muhiimka ah oo ay tahay inaad ogaato markaad jiifto isbitaalka:
Waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad noo sheegto wax ku saabsan waayo-aragnimadaada isbitaalka Metro South Health ama adeegga.Si aanu wax ka ogaano wax kasta oo dareen ah oo aad qabto, Fikrado naga sii si aan u hagaajino, ama mahadnaq uga samayno.
Logan Hospital and Beaudesert Hospital | (07) 3299 8587 CLS_LB@health.qld.gov.au |
Princess Alexandra Hospital | (07) 3176 5598 PAH_PLO@health.qld.gov.au |
QEII Jubilee Hospital | (07) 3182 6110 CLO_QE2@health.qld.gov.au |
Redland Hospital and Wynnum Health Service | (07) 3488 3504 |
Addiction and Mental Health Services | (07) 3339 4629 ED_mhsmetrosouth@health.qld.gov.au |
Waxaad kaloo haysataa ikhtiyaarka la xirriiridda Xafiiska Caafimaadka. Ombudsmaanku waa ka madaxbanaan yahay Metro South Health waxaana lagala xiriiri karaa: